Manuel Neuer Oo Laga Yaabo Inuu Seego Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedkaan Kadib Jab Soo Gaaray.

0
470

Musiibada Bayern Munich ayaa sii weynaaneysa iyadoo ay macquul tahay iney waayaan adeega goolhaye Manuel Neuer inta ka dhiman xili ciyaareedkaan kadib markii uu cagta ka jabay xidiga reer Jarmal.

Goolhayahaan Jarmalka ah ayaa kaliya saftay in ka yar 5-kulan tan iyo dhaawac dhawaan soo gaaray, balse xalay wuxuu ciyaarayay isagoo dhaawacan taasoo sahashay in Ronaldo uu dhameystiro sadexley guul siisay kooxdiisa. 

Bayern ayaa ku dhawaaqday in 31-jirkeeda uu tijaabooyin mari doono maanta, isla markaana ay warbixin kasoo saari doonaan xaaladiisa caafimaad.

Carlo Ancelotti kooxdiisa ayaa isaga hartay tartanka Champions League iyadoo Madrid ay si xarago leh u gaartay Semi Finalka tartanka.

Si kastaba Bayern Munich, galinka dambe ee maanta ayey warbixin kasoo saari doontaa sida la filayo.