Morata → Chelsea, De Gea → Real Madrid, Kroos → United & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

0
4790

Arsenal ayaa wahadal la gashay tababaraha Juventus Max Allegri madama aan la hubin mustaqbalka tababare Arsene Wenger. (The Sun) 

Weeraryahanka Man United Zlatan Ibrahimovic, kaas oo 35-jir ah, ayaan heshisi cusub u saxiixi doonin kooxda ka dhisan Old Trafford hadii ay ku fashilanto xili ciyaareedkaan iney ku guuleysato Europa League. (Daily Mirror)

Tababare Arsene Wenger ayaa u sheegay dadka u dhaw inuu laba sano kusii sugnaan doono kooxda. (Mirror)

Tababare Ronald Koeman ayaa doonaya inuu dalab u diro Virgil van Dijk xagaagan, balse 25-jirkaan heerka caalami wuxuu ku kici karaa heshiiskiisa 55 Malyan oo Pound. (Liverpool Echo). 

Kooxda Torino ee horyaalka talyaniga ayaa dooneysa iney Joe Hart hal xili ciyaareed oo amaah kale kusii heysato. (Sky Sport).

Hadii David De Gea oo 26-jir ah uu ka tago United isagoo ku biiraya Real Madrid, Red Devils waxey kasoo qaadan doontaa Los Blancos Toni Kroos. (Independent).

Man United goolhayaheeda David de Gea ayaa laga reebay kooxdii guusha ka gaartay Sunderland Axaddii kadib markii ay is fahmi waayeen Jose Mourinho. (The Sun)

Chelsea ayaa daawaneysa daafaca Sporting Gijon – Jorge Mere – kaas oo heshiiskiisa lagu jabin karo 25 Malyan oo Pound. (Star).

Tababaraha Atletico Bilbao Ernesto Valverde ayaa ugu cad-cad inuu shaqada Barcelona ka badalo Luis Enrique oo dhamaadka xagaagan ka tagaya Camp Nou. (Marca)

Weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata kaas oo 24-jir ah ayaa doonaya inuu ku biiro Chelsea kana hoos ciyaaaro Antonio Conte. (Guardian).