Neymar Junior Oo Soo Bandhigay Sadexda Weeraryahan Oo Uu Doorbido, Miyey Kuma Jiraan Suarez, CR7 & Messi?

0
669

Weeraryahanka Barcelona Neymar Junior ayaa soo bandhigay jaceylka uu u qabo da’yarka Man City Gabriel Jesus, sidoo kalana wuxuu heer wacan ku qiimeeyay Antoine Griezmann iyo Paulo Dybala.

Neymar mar walba weeraryahanada uu sida daran u aaminsan yahay waa Lionel Messi iyo Luis Suarez, balse marka ay noqoto meel ka baxsan Camp Nou, wuxuu doortay sadex xidig oo laba ka mid ah yahiin ciyaartoyda la aaminsan yahay iney qabsan karaan kubadda cagta. 

Jiilka cusub, waan jeclahay Antoine Grizmann si daran waliba, balse waxaan jaceyl daran u hayaa Gabriel Jesus” Ayuu yiri Neymar oo la hadlayay Esporte Interativo,

“Waan jeclahay habka uu u ciyaaro, sababtoo a waxaan wadajir ugu ciyaarnay Selecao, markaas oo aan ka qeyb galnay koobkii olympic-ada aduunka ee Rio”

“Si weyn ayuu usoo galay Selecao, waa wiil leh awood badan”

“Sidoo kale waxaan dhihi lahaa Dybala, wiilka caanka ah ee reer Argentina, lugta bidixna ku xamasha, hadii aad fursad siiso wuu ku dhaawici karaa, Arbacad , uma ogolaan doono inyar oo firaaqo ah”