Qaranka Soomaaliya Oo Kulan Adag La Leh Koonfurta Sudan

0
802

Xulka kubbada cagta soomaaliya oo ku jira diyaar garoowgii u danbeeyey ee ay ugu diyaar garoobayaan kulanka adag ee lugta labaad la cayaarayaan xulka koonfurta suudaan waxa ayna caawa gaareen xarunta dalkaasi ee JUBBA.

Kulankaasi oo ka tirsan isreeb reebka koobka loo yaqaan Chan 2018 ayey xulka soomaliya booqanayaan xulka lugtii hore kasoo badiyey iyagoo maanka ku haya guul daradii dirqiga ahayd ee ay kala kulmeen xulka koonfurta suudaan.

Wiilasha matalaya soomaaliya ayaa u baahan guul ugu yaraan 1-2 ah si ay u barbareeyaan natiijadii hore ama ka badan ku badiyaaan si ay natiijada dhinaca kale ugu rogaaan oo ay uga soo baxaan xulka koonfurta suudaan.
Afar kamid ah ciyaartoydii xulka somaliya matalayey kulankii hore oo uu horkacayo kabtankii qaranka kulankii ka dhacay dalka jabouti ayaa kulankaani seegaya iyagoo dib ugusoo laabtay caasimada soomaaliya ee muqdisho
Ciyaarta dhex mareysa xulalka south sudan iyo somaliya ayaa dhaceysa 30/04/2017 oo ku beegan maalinta axadda ah

Si kasta xulka koonfurta suudaan oo gurigooda lagu cayaarayo ayaa so dhoweynaya xulka soomaaliya oo marti u ah

Kulankaas ayaa la ciyaarayaa 430-ka bishaan ,waxa ayna Somalida ku noolSudna diyaar garoow ugu jiraan ka qeyb daawashada kulankaas,waxa uuna tartankaan ka dhacaya Kenya