Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Tottenham Xasuuqday Kooxda Watford – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

0
611

QODOBKA HADAL-HEYNTA.

Tottenham oo cadaadiska ku sii heysa Chelsea. keep the pressure on. Spurs waxa ay 14 dhibcood oo nadiif ah ka sareyaa kooxda kaalinta shanaad ee Arsenal, waxaana ay inta badan hubanti ka dhigteen u soo bixitaankooda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe. Waxaana ay u muuqdaan kuwa jabin doona inkaarta ka heysatay inay ku dhameystaan meel ka sareysa Gunners markii ugu horeysay muddo ka badan 21 sannadood, laakiin tababare Pochettino kaliya taasi uma cadda, waxa uu sidoo kale doonayaa inuu cadaadiska ku sii hayo Chelsea iyadoo todobo kulan ay uga harsan tahay horyaalka.

XIDDIGA GAROONKA:

Son-Heung-Min (Tottenham). Waxa uu ahaa mid ay tamar ka buuxda islamarkaana weerarkiisa uu ahaa halis. Waxa uu gacan ka geystay goolkii Dier waxaana uu dhaliyay labo gool oo fiican. Waxa ay aheyd inuu gool seddexaad ku darsado laakiin shaki la’aan waxa uu ku jiraa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Tottenham.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

TOTTENHAM: Lloris 7, Trippier 8, Alderweireld 7, Vertonghen 7, Davies 7, Dier 7, Dembele 7, Son 8, Eriksen 8, Dele 8, Janssen 6. 

Bedel: Kane 6, Sissoko 5, Onomah na.

WATFORD: Gomes 7; Mariappa 7, Cathcart 6, Holebas 7; Janmaat 6, Cleverley 6, Doucouré 5, Amrabat 6; Niang 6, Okaka 5, Success 5.

Bedel: Zuniga 6, Deeney 6, Kabasele n/a.