Real Madrid Oo Lagu Qasbay In Maaliyad Madow Ay Ku Ciyaarto & Waxyaabihii Kale Ee Ay caawa Ku Heshiiyeen Bayern Munich & Real Madrid

0
756

Kooxda Real Madrid ayaa xiran doonta kulanka caawa ee Allainz Arena maaliyad madow madaama Bayern Munich ay diiday inay ku ciyaarto buumo ama matante casaan ah iyagoo u arka inay guuldarro u keeneyso.

Kooxda Jarmalka waxa ay ku ciyaari doontaa maaliyadooda casaanka ah iyo buume cadaan ah taasoo aan suurtogel ka dhigeynin in kooxda Zinedine Zidane ay ku ciyaarto maaliyadooda 1aad ee cadaanka ah. Xaqiiqdiina waa markii ugu horeysay ee aysan Real xiraneynin maaliyadooda cadaanka ah iyagoo jooga Munich, waxaana isbedelka ugu wacan guushii 4-0 ee ay seddex sanno ka hor ku gaareen Munich markaasoo Bayern ay midabka casaanka ku wada labisatay. 

Goolhayaha Real Madrid Keylor Navas wuxuu xiran doonaa maaliyad buluug ah, dhigiisa Munich Neuer waxa uu xiran doonaa maaliyad cagaar ah, halka garsoorayaasha ay ku labisan doonaan midabka hurdiga ama jaalaha.

Ka dib kulankii ay yeesheen labada kooxood iyo UEFA saaka, waxaa sidoo kale la go’aansaday in garoonka biyo lagu furo ciyaarta ka hor iyo waqtiga nasashada.

Dhanka saxaafada, waxaa baahinta kulankaan loo isticmaali doonaa 23 kaamirooyin, sagaal shirkadood ayaana qalabkooda warbaahin la imaan doona ciyaarta.

Waxaa intaas dheer in boosas loo baneeyay 143 telefishin iyo raadiye, 168 joornaaliiste ayaa qeybta warbaahinta loo ogolaan doonaa iyo 98 sawir qaadayaal.