REKOODH: Arsenal Oo Alexis Sanchez Ka Dhigaysa Ciyaartoyga Horyaalka Premier Leaque-ga Ugu Mushaarka Badan Si Ay Ugu Qanciso Heshiiska Cusub Ee Uu Diidanaa

0
1602

Kooxda Arsenal ayaa wada qorshe ay ku samaynayso rekoodh ayna waligeed gaadhin waxayna Alexis Sanchez u jabinaysaa rekoodhkii mushaar bixinta kooxdeeda iyada oo waliba ka dhigaysa ciyaartoyga Premier Leaque-ga ugu mushaarka badan. Arsenal ayaa maanka ku haysa in Sanchez uu kooxdeeda kaga bixi karo si xor ah haddii uu dhamaysto xili ciyaareedka soo socda waxayna halis wayn ugu jirtaa in ay lacag la’aan ku lumiso hantidii kooxdeeda ugu waynad. 

Waxa kale ee Arsenal go’aankan ku qasbaya ayaa ah in Sanchez uu ku biiri karo kooxaha ay sida tooska u xifiltamayaan ee Manchester City, Chelsea iyo Manchester United oo dhamaantood isha ku haya. Sida uu wargayska Evening Standard uu ku waramayo maamulka kooxda Arsenal ayaa Sanchez ka saxiixaya heshiis uu waqti dheer ku sii joogi karo Emarites Stadium kaas oo uu todobaadkii ku qaadan doono 300,000 kun oo gini.

Wargayska Evening Standard ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay Sanchez miiska u saari doonto dalabka heshiis kordhinta ee ay rekoodhka cusub ku dhigayso si ay meesha uga saarto hubanti la’aanta mustaqbalka xidiga ree Chile ee Alexis Sanchez kaas oo diiday in uu saxiixo heshiis cusub.

Arsenal ayaa doonaysa in ay dhamaadka xili ciyaareedkan si wayn isbadal ugu samayso kooxdeeda iyada oo qorshaynaysa in ay 200 milyan oo gini suuqa ku bixiso waxayna 100 milyan ka diyaarinaysaa lacagta ay ku iibin doono ciyaartoy badan oo safka kooxdeeda hadda ka tirsan.