Safiirkii hore Soomaaliya ee Kenya oo xilka wareejiyay

0
167

Safiirkii hore Soomaaliya ee dalka Kenya ahna Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Danire Jamaal Maxamed Xasan ayaa xilka wareejiyay, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa xilkan si KMG ah waxa uu ugu wareejiyay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed (Cali Bagadi) oo sii heyn doona, inta Dowladda Soomaaliya ay safiir ugu soo magacaabeyso.

Xilwareejintan oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir, Diblumaasiyiin iyo xubno kale. 

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Danire Jamaal Maxamed Xasan oo xilka wareejiyay ayaa u mahadceliyay shaqaalaha safaaradda, isaga oo ugu baaqay in ay shaqada sii wadaan.

Dhanka kale shaqaalaha ka howlgala safaaradda ayaa waxa ay soo dhaweeyeen C/raxmaan Aadan Cusmaan (C/raxmaan Kampala) oo dhowaan Dowladda Soomaaliya u magacowday in uu noqdo safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Kenya.