Shaqsigii Ka Dambeeyay & Go’aankii Ay Manchester City Ku Diiday Saxiixa Paulo Dybala Kulana Soo Wareegtay Wilfried Bony.

0
1610

Manchester City ayaa fursad u heshay iney lasoo saxiixato da’yarka Juventus iyo qaranka Argentina Paulo Dybala laba sano ka hor, kaliya 30 Malyan ayeyna kula saxiixan kareen inkastoo ay ugu dambeyntii go’aansadeen iney la saxiixdaan Wilfried Bony.

23-jirka heerka caalami ayaa burburiyay Barcelona kulanka lugta hore wareega quarter finalka Champions League markaas oo kooxdiisa Juve ay 3-0 ku dubatay Balaugrana, balse Manchester City waxey lumisay fursad dahabi ah oo ay ku heli kareen xidigii hore Palermo 2015. Wuxuu mar walba saxaafadda la wadaagi jiray in Barcelona iyo Manchester City ay yahiin labada kooxood oo uu ku riyoodo. 

Dhawr jeer ayey Manchester City wakiilo u dirtay Dybala oo lagu tilmaami jiray Aguero-ha cusub isagoo Italy yimid 2012.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Citizens Txiki Begiristain ayaa lagu amray inuu lasoo saxiixdo Paulo Dybala, balse wuxuu ka doortay Wilfried Bony isagoo aaminsan inuu leeyahay awood uu kaga baxsado horyaalka Premier League-ga sidoo kalana City ka caawin kara iney difaacato horyaalka.

Si kastaba Paulo Dybala wuxuu waqtigaas 30 Malyan oo Pound ugu wareegay Juventus, balse haatan waxaa lagu qiimeeyaa lacago aan ka yareyn 80 Malyan oo Euro madama uu laba sano oo hormar ah sameeyay.

Ugu dambeyntiina Txiki Begiristain ayaa ilaa iyo hadda lagu eedeeyaa inuu sameeyay doorasho qaab daran madama Bony uu haatan amaah ku jiro Stoke City