Taliyaha asluubta oo u hanjabay dadka dhisanaya dhulka Ciidanka

0
140

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Dadka rayidka ah ee dhisanaya dhulka Ciidanka Asluubta eek u yaalla Muqdisho iyo Gobollada dalka.

Taliyaha ayaa Kormeer ku tagay xarunta taliska Asluubta ee KM7,halkaas oo uu mar uu ka hadlayay sheegay in Qofkii dhista Dhul ay leeyihiin Ciidanka Asluubta ay iyaga Katarabiil gelin doonaan oo ay dumin doonaan.

sarreeye gaas  Xuseen Xasan Cismaan,Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii uu xilkan ka tagayay dhismayaashii uu ka tagay ay wali sidii yihiin.

Waxaa uu dowladda dhexe ugu baaqay in markan ay diiradda saaraan dhismaha xarumaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin shacabka Soomaaliyeed.