Wasaaradda Gaashaandhigga oo faah faahisay qaab dhismeedka CXD

0
1204

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qorshaha qaab dhismeedka Ciidamada Qaranka Soomaaliya, kaasi oo maalmahan muran uu ka taagan yahay.
Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka ayaa Todobaadkan Mooshin ka gudbiyay Hannaanka loo dhisayo Ciidamada Qaranka, waxayna ka soo horjeedaan qaabka la doonayo Ciidamada in lagu dhiso.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay qaabka loo fahmay dhismaha Ciidamada Qaranka in aysan aheyn.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay Dowladaha caalamka in ay ka heleen balan qaad ah in ay u tababarayaan Ciidamo gaaraya 18,000, Dowladdana ay saxiixday heshiiskaasi, laakiin taasi micnaheeda uusan aheyn in Ciidamada Soomaaliya lagu soo koobayo 18,000 oo Askari.