Waxey Aheyd Dhac, Mahadsanid Garsoore” & Hadaladii Ay Ribery, Thiago, Robben & Vidal Kaga Hadleen Go’maadii Garsoore Ee Xalay.

0
303

Bayern Munich ayaa si daran loogu reebay garoonka Santiago Bernabeu markii 4-2 guuldaro ah ay kala kulantay kooxda Real Madrid kulan ka tirsan Champions League, wareegiisa quarter final-ka lugtiisa labaad.

Arturo Vidal ayaa laga saaray kulanka ka hor inta aysan ciyaarta waqtiga loogu tala-galay ku dhamaan 2-1, taasoo keentay in waqti dheeri ah loo baahdo, balse Ronaldo ayaa dhameytiray sadexley ka hor inta uusan wiilka reer Spain Asensio ku xumeynin xaalada Bavaria.

Si kastaba go’aankii casaanka lagu siiyay Vidal kaas oo aan u muuqan inuu qalad galay iyo go’aamadii ay ku dhasheen labada gool ee Ronaldo kuwaas oo dilay ciyaarta ayey aad uga caroodeen ciyaartoyda Bayern Munich kuwaas oo sheegay in la dhacay.

“Haa, waad garaneysaa fikradeyda, waa ceeb sababtoo ah waxaad daawaneysay kulan weyn” ayuu yiri Robben oo la weydiiyay hadii kooxdiisa la dhacay.

“Qof walba oo aduunka ah ayaa daawanayay kulanka labadaan kooxood ee waaweyn kuwaas oo ay garoonka ugu jireen ciyaartoy waaweyn” Waxey aheyd farxad in la daawado. balse kulan nuucaas ah waxaa go’aamiyay go’aano ka yimid garsooraha. ma jecli inaan ka hadlo garsoorka balse waa inaad mar walba adigu fiiriso qaladka aad sameysay iyo shaqada aad sida qaldan u qabatay, kiiskaan ma aheyn mid qura, waxey ahaayeen in ka badan, go’aanadaas ayaana go’aamiyay kulanka” 

Dhanka kale Vidal ayaa isna ka hadlay wixii xalay dhacay wuxuuna yiri: “marka ay kulmaan laba kooxood oo waaweyn ku kulmaan Champions League, dhaca nuucaan ah ma dhaco”

Thiago Alcantara wuxuu qabaa in qaladka sida loo sahlanayo uusan aheyn isla markaana kaliya aan la dalban VAR ee tayada garsoorayaasha laga warqabo.

“Kaliya maahan in la keeno VAR” ayuu yiri Thiago, “Waa iney halkaan joogaan garsoorayaal u qalma”

Ugu dambeyntiina Franck Ribery ayaa si xun bartiisa bulshada ee Instagram-ka ugu galay garsoore Victor Kassai, xidigii hore Marsielle wuxuu soo dhigay bartiisa bulshad sawirka labada gool ee Ronaldo oo u muuqday kuwo offside ah wuxuuna kusoo qoray.