Xiisad xoogan oo ka taagan degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0
371

Waxaa xiisad xoogan laga soo sheegayaa Saldhiga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegayaa in Xiisadaan ay timid kadib markii 5 Nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab laga sii daayay Saldhiga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Saldhiga degmada Qoryooleey ayaana la sheegay in uu sii daayay Raggaasi taas oo u cuntami weysay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Qoryooleey.

Waxaana lagu soo warramayaa in haatan Xiisad u dhexeysa Ciidamo kala taabacsan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Qoryooleey iyo Taliyaha Saldhiga Degmadaasi ay ka taagan tahay gudaha degmada Qoryooleey.

Ciidamo Taabacsan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Qoryooleey ayaana si rasmi ah ula wareegay Saldhiga Degmada Qoryooleey.

Ragga la sii daayay ayaa la sheegay in laga soo qabtay Duleedka degmadaasi Qoryooleey kuwaas oo lala xiriirinayay Xarakada Al Shabaab.