Liverpool Oo Guul Dahabi Ah Ka Soo Gaartay Watfrod

0
1010

Liverpool ayaa guul dahabi ah oo xili ciyaareedka kooxdeeda muhiimad wayn u leh ka soo gaartay kooxda Watfrod waxaana kooxda Klopp guushan ku soo hogaamiyay Emre Can oo dhaliyay mid ka mid ah goolasha xili ciyaareedkan u tartami doona goolkii ugu quruxda badnaa si uu kooxdiisa Reds ugu soo gacan galiyo saddex dhibcood oo ay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier Leaque-ga ay ku sii xejisteen.
Liverpool ayaa Manchester City oo ay dhibco isku mid ah lahaayeen saddex dhibcood ka sarre martay iyada oo booska Champions Leaque-ga loogu soo baxayo ku sii dhawaanaysa.
Liverpool ayay uhadhsan yihiin saddex kulan oo kaliyi waxayna haystaa fursad ka wayn kooxaha ay la tartamayso.
Watford (3-5-2): Gomes; Mariappa, Prodl, Britos; Janmaat, Cleverley, Doucoure, Capoue, Amrabat; Niang, Deeney.
Kaydka: Success, Behrami, Zuniga, Kabasele, Costel Pantilimon, Okaka, Eleftheriou.
Liverpool (4-3-3): Mignolet; Clyne, Matip, Lovren, Milner; Wijnaldum, Lucas, Can; Firmino, Origi, Coutinho.
Kaydka: : Karius, Alexander-Arnold, Klavan, Grujic, Lallana, Sturridge, Moreno.