Wasiirka Amniga oo faray Mas’uuliyiinta dowladda in 14 maalmood gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda

0
198

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo la xiriira sugida amniga iyo xakameynta Hubka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa lagu faray Mas’uuliyiinta dowladda inay muddo 14 maalmood gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda iyo Hubkooda.

Amarkan ayaa si toos ugu socda Xildhibaanada Labada Aqal, Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta kale dowladda, kuwaasoo si isku mid ah ah amarka u quseeya.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa go’aan ay soo saareen bishii May ee sanadkan waxay ku mamnuuceen in afar ilaalo ka badan la wadan karin iyo qori ka weyn AK47.

Jowhar