Xayiraadda Trump: Xaakim ballaariyay sharaxaadda qaraabo dhaw

0
326

Waaliddiinta sida awawga, ayayda iyo qaraabada kale ee ay leeyihiin dadka ku nool dalka Maraykanka ayaan laga hor istaagi karin socdaalka iyaga oo loo cuskanayo amarkii madaxweyne Trump, sida uu go’aamiyay xaakim Maraykan ah.

Amarkan uu bixiyay xaakim Derrick Watson oo ku sugan gobolka Hawaii ayaa dharbaaxo kale oo dhanka qawaaniinka ah ku ah qorshihii uu madaxweynaha Donald Trump ku bartilmaameedsanayay dadka Soogalootiga ah.

Xaakimkan ayaa sheegay in mamnuucitaanku uu si yar fasiraad uga bixiyay go’aankii maxkamadda.
Go’aan ay maxkamad gaartay bishii hore ayaa qayb ahaan soo celiyay xayiraaddii uu Trump saaray dadka ka soo safraya lix dal oo ay muslimiintu u badan yihiin.

Maxkamadda ayaa sheegtay in safarka loo ogolaado in ay Maraykanka soo galaan dadka “qaraaabada dhaw” ku leh.

Laakiin maamulka Trump ayaa go’aamiyay in aan qaraabada dhaw lagu darin awoowga, ayeeyda, dumaashiga, dumaashida, adeerka, abtiga, habaryarta, caruurta ay walaaladaa dhaleen iyo ilmo adeerrada.

Xaakimkan ayaa cambaareeyay sharaxaadda ay dawladdu ka bixisay qaraabada dhaw isaga oo sheegay in awawga iyo ayaydu yihiin qaraabo aad u dhaw.

Maxkamadda ugu saraysa ee dalka Maraykanka ayaa wali ka baaraan dagaysa isku daygii uu madaxweyne Trump ku doonayay in uu Maraykanka kaga mamnuuco dadka u dhashay Liibiya, Soomaaliya, Iiraan, Suudaan, Suuriya iyo Yemen.

Waaxyaha cadaaladda ayaa si ku meelgaar ah u hirgaliyay xayiraaddii Trump bishii May.

Trump ayaa sheegay in xayiraaddaasi ay ammaan u horseedi doonto bulshada ayna ka hortag u noqon doonto falalka argagixisada.