Dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo ka dhacaya Beled Xaawo

0
199

Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Darwiishta Jubbaland iyo maleeshiyad Alshabaab ayaa ka dhacay waaberigii saaka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Argagixisada Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen saldhig ay ay ku sugnaayeen ciidamadaasi oo Ku yaalo afaafka Hore ee Magaalada laga soo galo, iyagoo ku bilaabay weerarka qarax ,sida ay SONNA u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Darwiishta Jubbaland ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday,lamana xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay xili dadku ay jiifeen islamarkaana la isku diyaarinayay dukashada salaaddda Subax,

Waxaa weli soconaya howlgalada dagaalka, mana jirto cid ilaa iyo hadda si toos ah uga hadashey, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weli ay maqlayaan rasaas.

Radio Muqdisho