Somaliland: Nama quseeyo xeerka isgaarsiinta Soomaaliya

0
171

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, musdafe Faarax Abraar ayaa sheegay in xeerka cusub ee Madaxweyne Farmaajo dhowaan uu saxiixay uusan quseyn dowladooda.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa tilmaamay in xeerka uusan ka shaqeyn doonin deegaanadooda, uuna jiro shaircigooda u gaarka ah.

Wasiir Musdafe ayaa sheegay: “Xeerar caalami ah baa jiro oo lagu maamulo. Waxaa la ogyahay Soomaaliya (dowladda) gacanta wadanka kuma wada hayso. Marka anaga nagama xiri karaan. Maalin dhowna waxaan sameyndoonnaa wax noo gaar ah oo anagu leenahay.”

Wuxu wasiir Mudafe sheegay in arrintan aysan saameyn ku yeelan doonin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xarumaha ku leh Muqdisho iyo Hargeysa.

“Wax dhibaato ah kama soo gaareyso. Waan la socodsiinay madaxdooda”, ayuu yiri wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

“Xagga isgaarsiinta, wax aan ka wadahadalnay iyo wax inaga dhexeeyo ma jiraan. Waxaan markale ku celinayaa, xeerka madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay, Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Wasiir Musdafe.

BBC Somali