Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

0
387

Maleeshiyaad kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa markale maanta ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug.

Waxaana dagaalkan uu ka dhacay Suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay isku dhaceen Maleeshiyaad ka soo kala jeeda 2-da Maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale oo dhammaan shacab ahaa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Mas’uliiyiinta ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen Xiisadaasi.

Waxaana haatan kulamo kala duwan ay la leeyihiin labada dhinac, si looga hortago dagaalkaasi.

Dagaalkan ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay Madaxweyne Gaas uu kulamo Nabadeed ka waday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Radio Shabelle