Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Qarax Xalay Ka Dhacay Muqdisho

0
486

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo Xalay ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ka dhacay Xaafadda Buulo Xuubey ee degmadaasi Wadajir, waxaana la sheegay in gaargiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida, inkastoo uu ka badbaaday qaraxaasi.

Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan qaraxaasi

Dhinaca kale waxaa Xalay Bomb Gacmeed lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Towfiiq ee Degmadaasi Yaaqshid.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Dowladda ka soo gaaray weerarkaasi.

Illaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo uu Maamaulka Degmada Yaaqshiid ka soo saaray weerarkaasi.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah amaanka, mana muuqato qorshe ay wax kaga qabaneyso Dowladda Soomaaliya.

Shabelle