Guddiga madax banaan ee doorashooyinka oo faah faahin ka bixiyay Socdaal ay ku

0
170

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaanciil Ibraahim Xaliimo yareey oo la hadashay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Socdaal ay maalmihii dambe ku marayeen Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Maamulada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeele.

Xaliimo Cismaanciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa tilmaantay in Guddiga oo ka duulaya Go’aankii madaxda Qaranka ee ahaa in Dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah ay xaagga saarayaan hir galinta Go’aanka Madaxda.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday safaro kala duwan oo ay ku tagayaan Gobolada Dalka gaar ahaan deegaada Dowlad Goboleedyada waxaa ayna gaareen Maamulada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeele iyagoona tilmaamay in ay dhawaan gaari doonaan Putland iyo Galmudug.

Radio Muqdisho