Madaxweyne Farmaajo “Kuma Talo Jiro In La Bedello Ra’iisul Wasaare Kheyre”

0
267

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in haatan aanu qorshaha ugu jirin in la badelo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in haddii Khilaaf loo baabi’iyo Xukuumad jirta ay dib u dhac ku keeneyso adeega dowladda ee loo hayo shacabka.

Waxaana uu tilmaamay in intii la xidida siibi lahaa Xukuumadda ay haboon tahay in wadahadal lagu xalliyo wax weliba.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay wadaan Ololo ka dhan ah Masuuliyiinta sar sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Radio Shabelle