Madaxweyne Farmaajo Oo Goor Dhow Ku Wajahan Gaalkacyo

0
349

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow la filayaa in uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qabanqaabada soo dhaweynta Mdaxweynaha ayaa si aad ah looga dareemayaa Gaalkacyo, iyadoona si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Waxaana Madaxweynaha uu la kulmi doonaa Maamulka magaaladaasi, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta g/ Bari, halkaas oo Khamiistii si weyn loogu soo dhaweeyay.

Radio Shabelle.