Wasiirka Qorsheynta oo Diiwaanhayaha Amiirka Kuwait gaarsiiyay dhambaal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya

0
270

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa dhambaal uu ka siday madaxweynaha dalka gaarsiiyey Diiwaan hayaha Amiirka dalkaasi Kuwait

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta XFS oo safar shaqo ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha Diiwaanka ee dalkaasi, isagoo gaarsiyay dhambaal uu ka siday madaxdwynaha J. F. Soomaaliya oo ku socday amiirka dalkaasi.

Wasiirka yaa warbixin ku saabsaneyd horumarka dalka ka jira siiyay wasiirka arrimaha diiwaanka, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal, iyo sidii shaqo abuuris loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha Diiwaanka ee dalka Kuwait ayaa ballan qaaday in dhanbaalka uu gaarsiin doono amiirka dalka Kuwait, Soomaaliyana ay ka taageri doonan mashaaric hormarineed ay Soomaliya u baahanathay.

Dhanka kale wasiirka qorsheynta ayaa dalka Kuwait uga qeybgalay shirka sanadlaha ah ee madaxda qorsheynta carbeed.