Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal oo ku baxay tabashada Beesha Cadaado

0
498

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay ku baxay tabashada ay qabaan Waxgaradka Beesha Cadaado oo ka soo horjeeda Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug dhowaan gaareen.

Xildhibaanadan oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, C/xakiin Macalin, Xildhibaan Abtidoon Yare iyo Mas’uuliyiin kale ayaa la kulmay waxgaradka iyo odayaasha beesha Cadaado.

Kulankan oo saacado qaatay, lana isla gaaray illaa xalay saqdii dhexe ayaa Beesha Cadaado ku adkeysatay in aanay ka qeyb gelin Munaasabadda maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb.

Xildhibaanada ayaa ku adkaatay inay ka dhaadhiciyaan Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Cadaado ka qeyb galka Munaasabadda, waxaana taa bedelkeed ay dalbadeen in marka hore la fuliyo qodobo ay horay u soo saareen.

Wararka ayaa sheegaya in Waxgaradka Beesha Cadaado ay talo ahaan ugu soo jeediyeen Wasiirada iyo Xildhibaanada Beesha in aanay tagin Dhuusamareeb, inta wax laga qabanayo cabashadooda, waxaana markii dambe saaka waabarigii hore ka ambabaxay Dhuusa Mareeb xildhibaanadii kale oo aanay ku jirin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Wasiir Qoor Qoor, Xildhibaan Abtidoon Yare iyo mas’uuliyiin kale.

Arrintan ka soo cusboonaaday Galmudug ayaa laga cabsi qabaa inay keento kala qeybsanaan hor leh, hadii Beesha Cadaado ku dhawaaqaan inay qaadacaann maamulka Galmudug.

Jowhar