Soomaaliya Iyo Hindiya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

0
235

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleed iyo wafdigiisa oo ku sugnaa Dalka Hindiya ayaa Kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaasi Hindiya Narendra Modi.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Raiisal Wasaaraha India Narendra Modi ayaa mas’uuliyiintan waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya iyo in Hindiya dal ku galkeeda u fududayso dadka Soomaaliyeed ee u soo safra Dalkeeda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya gaarsiiyay salaan uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Mohamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhinaca dhaqanka ee Hindiya iyo Soomaaliya,isagoo ka dalbaday in Xukuumadda New Delhi ay Soomaaliya kala shaqayso taageeridda iyo sidii loo caawin lahaa dadka hayaanka dheer usoo gala badigoobka Waxbarasho iyo mid Caafimaadba,loona sahlo in ay si fudud u helaan dal ku galka India.

‘’Waxaan la kulanay Ra’iisul wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda; Shacabka Soomaaliyeedna loogu fududayn lahaa dal ku galka Hindiya”ayuu yiri mudane Mahadi Maxamed Guuleed R/wasaare ku-xigeenka Dalka’’.ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Radio Shabelle