Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadda C.Q.S oo kormeeray dhismaha Xabsiga cusub

0
221

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa, Guddomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale ayaa maanta booqday halka uu marayo dhismaha mashruuca weyn oo ka kooban Xabsi cusub iyo xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka, kaasi oo laga dhisayo duleedka magaalada Muqdisho.

Taliyaha, ayaa xog wareystay Injineerada dhismaha Mashuurcaan fulineysa, waxaana uu kala hadlay siddii ay u dar dar gelin lahaayeen dhismaha Xabsiga cusub iyo Maxkamadaha oo hadda heer gabo gabo ah maraya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Madaxda kale ee la socotay ayaa qeyb qeyb u tagay dhammaan dhismaha uu ku fadhiyo mashruucaan oo ay maal galinayaan Beesha Caalamka.