Beyle: Caalamku Ha Xushmeeyo Madaxbannaanideenna

0
291

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in loo baahan yahay in waddamada caalamku ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka oo maalmahan ku sugnaa magaaladan Washington naguna soo booqday istuudiyaha VOA ayaa nooga warramay qodobo kale duwan oo ku saabsan xaaladda maaliyadda iyo siyaasadda ee Soomaaliya.

Haaruun Macruuf oo waraystay ayaa weydiiyey sida loola wareegtay lacagtii ahayd 9-ka milyan ioyo lixda boqol ee kun ee dollar ee dawladdu ka qaadday diyaarad ay lahayd Imaaraadka Carabta.