Dowladda Kenya Oo Shaacisay Xilliga Ay Soomaaliya Kala Baxayso Ciidamadeeda

0
329

Dowladda Kenya ayaa shaacisay xilliga rasmiga ee ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howgalka AMISOM.

War ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in iyaga oo raacaya qararaakii QM ee soo baxay sanadii 2017-kii ay Ciidamadooda ay iskaga bixi doonana Soomaaliya bisha Decemper ee 2020-ka.

Warbixintani ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya wixi ka dambeeya xilligaasi ay baneen doonaan deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kalena ammaanka deegaanadaasi ay ku wareejin doonaan Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa gudaha Soomaaliya soo galay 2011-kii, si ay ula dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.

RadioShabelle