Baarlamaanka Itoobiya oo Liiska Argagixisada ka saaraya Ururo ay ku jirto ONLF

0
449

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa Baarlamaanka dalkaas u gudbiyay qaraar horay u soo ansixiyay Golaha, kaasoo ahaa in Liiska Argagixisada laga saaro Ururada OLF, ONLF iyo Ginbot 7 oo ka mid ahaa Ururada mucaaradka ku ahaa dowladda Itoobiya ee horay loogu aqoonsaday inay Argagixiso yihiin.

Qaraarka Golaha Wasiirada Itoobiya soo meel mariyeen ayaa qeyb ka ahaa qorshaha dib u heshiisiinta iyo sharciga xuquuqda aadanaha, kaasoo u ogolaanaya in la cafiyo shaqsiyaadka iyo kooxaha dambiyada qaran galay ee la xukumay ama kuwa uu baaritaanka ku socdo.

Go’aankan ayaa dhiira gelinaya in kooxaha mucaaradka Itoobiya inay la soo baxana siyaasad degan oo nabdoon.

Ururka ONLF ayaa u dagaalama halganka gobonimo doonka dhulka Ogaadeeniya ee Soomaali Galbeed, waxaana 20-kii sano ay dagaal kula jiraan Nidaamka dowladda Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sii wada is bedelada siyaasadeed ee uu dalkiisa u horseeday tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana dhowaan xabsiga laga sii daayay boqolaal maxaabiis oo qaarkood dil ku xukunnaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku tilmaamtay ONLF inay yihiin Urur Argagixiso oo caqabad ku ah Amniga Gobolka, kaddib markii shir ay yeesheen Golaha Wasiirada ay ka soo saareen qaraar ay ku ogolaadeen dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ONLF.

Jowhar