Labo Askari oo lagu Dilay Qansaxdheere

0
165

Ugu yaraan Labo ka mid ah ciidamada Maamulka Koonfur-Galbeed Somalia ayaa dhintey Labo kalana waa ku dhawacmeen markii weerar ay saldhig ay kuleeyhiin degmada QansaxDheere ay soo weerareen Ururka Alsahbab habeenimadii Xaley.

Waayadan dambe ayaa Alshabab dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ka wadeen gobolka.

Dhinaca kale, askari katirsan Ciidamada Puntland ayaa xalay saqdii dhexe Dablay hubaysani toogasho ku dileen xili uu marayey meel u dhaw Suuqa wayn ee magaalada Boosaaso.

Gobjooge ayaa VOA u sheegay in cìidama amaanka ayaa goobta askariga lagu dilay soo gaareen xili ay baxsadeen dablaydii weerka gaysatay. Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dilka Askarigaas mana jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas.

VOA Somali