Qarax lagu dhaawacay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo Masuuliyiin kale

0
463

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lagu weeraray kolonyo gaadiid ah uu la socday Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo Masuuliyiin kale xili ay marayeen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,

Qaraxa Miino ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Siinka Dheer , waxaana qaraxan ka dhashay sida aan wararka ku helnay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray masuulitiinta la socotay kolonyada gaadiid iyo ciidamadii ilaalinayay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre, waxaa sidoo kale qaraxaasi dhaawac uu kasoo gaaray Gudoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha.

Masuuliyiinta iyo dadka kale ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana wararka la helayo sheegayaan in qaraxan uu sidoo kale sababay khasaaro soo gaaray ciidamado la socday masuuliyiinta qaraxa lala eegtay.

Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miino oo lagu weeraro gaadiidka ay wataan ciidanka iyo kuwa ay la socdaan masuuliyiinta, waxaana qaraxyadaasi mararka qaar ka dhashay khasaaroyin kala duwan.

Allbanaadir