Madaxweyne Shariif Xasan Oo Eedeeyay Ciidamada Itoobiya Ee Baay

0
175

Madaxweynaha maamulka K/ Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dhaliilay howlgallada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobollada Baay iyo Bakool.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in Ciidamada milatariga Itoobiya ay ku guuleysan waayeen in go’doonka ay ka qaadaan degmooyin ka tirsan gobolladaasi.

Balse waxa uu tilmaamay in ay yareeyeen weeraradii Al Shabaab ay ka geysan jireen deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka K/ Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xusay in loo baahan yahay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya, si looga saaro Al Shabaab.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.