Badhasaabka magaalada Gaarisa oo la xiray

0
187

Badhasaabka magaalada Gaarisa Cali Qorane ayaa la xidhay isaga oo loo haysto in uu isku dayay in uu dilo wasiirkiisii goboleedkii hore ee maaliyadda Gaarisa Idriis Aadan sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya oo uu ka mid yahay wargeyska Daly Nation.

Cali Qorane ayaa la sheegay in ay askar qabatay shantii Subaxnimo ee Talaadadan markii uu gurigiisa oo Nairobi ku yaalla ka soo baxay.

Idriis ayaa sheegay in madaxa laga toogtay isaga oo huteel hor maraya oo ka soo baxay masaajid u dhawaa.

BBC.