Ciidamada DFS Oo La Wareegay Deegaano Ku Yaalla Sh/ Hoose

0
151

Ciidamada milatariga Soomaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay la wareegay deegaano hor leh oo ku yaalla gobolka Sh/ Hoose.

Kadib howlgallo Ciidamadu ay ka sameeyeen nawaaxiga degmada Qoryooley ayaa la sheegay in ay u suuragashay in ay la wareegaan deegaano hoos yimaada degmadaasi.

Dagaalyahannadii Al Shabaab ee ku sugnaa halkaasi ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaanadaasi, kadibna si nabad galyo ah ay kul wareegeen Ciidamada dowladda.

Maxamed C/laahi Gaashaan guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Qoryooley oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay ula wareegeen deegaanadaasi.

RadioShabelle.