Khasaaro xoog leh oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab loogu gaystay Daynuunay

0
578

Muqdisho(SONNA);- Dagaal khasaaro ba’an loogu geystay Maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka Dowladda ay heegan ku jireen taasina ay suurta galisay in si deg deg ah looga hortago dhibaatadii maleeshiyaadkaas la maaganaayeen inay ka geystaan deegaankaasi.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay jiraan Argagixiso ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalka ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay, laakiin tirada iyo khasaraaha ay dib ka faah-faahin doonaan.