Madaxweynaha JFS “Dadka ma wada nolaan karaan inta uu jiro dagaal sokeeye”

0
138

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaah Maxamed Farmaajo oo la hadlay maleeshiyaadkii Sanadahii danbe ku dagaalamayay xaafado ka tirsan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa u sheegay in colaadii ka taagneed magaalada lagu badalayo waxbarasho iyo wada shaqeyn dhex jmarto Dhalinyaradii halkaas ku dagaalameysay.

Waxa uu sheegay maadaxweymaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in uu ku faraxsan yahay qaabka ay hubka u dhigeen maleeshiyaadka iyo sida ay u garteen in ay is cafiyaaan taas oo uu tilmaamay in ay ka dhalanayso inay nabad iyo daganaasho dareemaan shacabka ku nool magaaalada Marka.

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaah Farmaajo ayaa u sheegay dhalinyaradii ay colaad kala fogaysay ee hada nabada qaatay in ay ka fakaaraan waxbaarashada caruurtooda madaama uu tilmaamay in Aabayaashood ay colaadku seegtay waxbarashada.

Ugu dembeyntii madaxweynaha soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool maagaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose in ay ka wada shaqeeyaan is ogaashaha qoys ka qoys iyo ilaalinta nabada magaalada si magaalada ay u hesho dib u dhi, nabad iyo horumar.