Dowlada oo ka hadashay dab saakay ka kacay garoonka Aadan Cadde

0
156

Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa ka hadlay dab saakay ka kacay gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde , dabka ayaana sababay in saacado hadad galo shaqadii garoonka.

Omaar ayaa sheegay in dab uu ka kacay gudaha maqaayad kutaala garoonka Aadan Cadde, waxa uuna Wasiirka sheegay in dabku uusan dhalin khasaaro nafeed uuna ahaa nid kooban.

Waxa uu sheegay Wasiirka Duulista Hawada in dabku ku koobnaa kaliya kushiinka maqaayada laguna guuleestay in deg deg loo damiyo, waxa uuna tilmaamay in dabku ka dhashay koronto.

Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in dabka uusan saameyn badan ku yeelan shaqdoo garoonka, waxa uuna tilmaamay in howlaha garoonka uu si caadi ah u socdo.

Dabka saakay ka kacay gudaha maqaayad kutaala garoonka Aadan Cadde gaar ahaan qeybta duulimaadyada caalamiga ayaa sababay in saacado kooban hakad galaan shaqooyinkii garoonka ka socday.

Allbanaadir.