Ilhaan Cumar Oo Ka Mid Noqotay Aqalka Congress-Ka Mareykanka

0
152

Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed, kana tirsan xisbiga Dimoquraadiga ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorashada Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxaana ay noqoneysaa Qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xil mansabkaas leh ka qabata dalkaasi.

Ilhaan Cumar ayaa qaxootinimo ku gashay Mareykanka, waxayna horay u soo noqotay mid ka mid ah Xildhibaanada wakiilada Aqalka Hoose gobolka Minnesota ee dalkaasi.

Hase’ahaatee Ilhaan ayaa haatan fariisan doonta Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka.

Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha ay gaartay Ilhaan Cumar.