Mareykanka oo dib u soo celiyay cunaqabateyn adag & Iran oo ka careysan

0
113

Maaamulka Mareykanka ayaa dib u soo rogay ama dib u soo celiyay cunaqabateyn xagga shiidaalka iyo maaliyadda ah oo saran dalka Iran,si cadaadis loogu saaro jojinta dhismaha gantaalada iyo barnaamijka hubka nuclear .

Tallaabadaan ayaa keeneysa in meesha laga saaro heshiiskii dhinaca hubka nuclear–ka ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu la galay Madaxda Iran,waxaana cunaqabateyntaasi ay sameyn doontaa maraakiibta daabula shiidaalka,Ceymiska iyo qeybaha Bangiyada.

Madaxweynaha dalka Ian Hassan Rouhani ayaa wacad ku maray in uu burburin doono cunaqabateynta lagu soo rogay dalkiisa,gaar ahaan Tamarta iyo bangiyada.