R/wasaare Kheyre oo xalay kormeer ku sameeyey qeybo kamid ah

0
855

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey Waddooyinka oo uu maamulka Gobolka Banaadir ka wado Howlaha Nadafadeed, wuxuuna qaybo ka mid ah meelihii uu booqday kula soo qaatay kulamo xog wareysi ah Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana indhahiisa ugu arko sida ay u socdaan howlaha dardar galinta bilicda iyo nadaafada Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen in ay socdaan howlo lagu xoojinayo nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso si loo helo Caasimad bilic iyo amni leh.

Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda, Aadan Isaaq Cali oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa xusay in dowladda muhiimada weyn siinayso Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo.