Saameynta Xiisadaha Siyaasadeed ee ka Taagan Soomaaliya

0
532

Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ah mid kacsan maalmihii dhawaa. Maalin walbana waxa ay u muuqataa in ay dhacayaan isbeddelo u muuqda in ay xaaladdu sii fogaaneyso.

Shaley ayey ciidamda nabad ilaalinta ee Itoobiya waxa ay Baydhaba ka soo xireen mid ka mid ah musharrixiinta maamulka Koonfur Galbeed, Muqtaar Roobow Abu-Mansur oo markii danbena loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho.

Xariga Muqtaar Roobow ayaa kiciyey rabshado la sheegey in ay dad ku dhinteen, kaasoo magaaladana kala xayirey.Sidoo kale waxaa wali taagan khilaaf ka dhashey mooshin laga keeney madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba, maxaa lagu xallin karaa khilaafyadan? Haddiise aan xal deg deg ah loo helin, saameyn intee la eg ayey yeelan karaan? Falastin Ahmed Imaan ayaa warbixintan ku eegeysa arrintaas.