Xildhibaanno mowshin ka keenay heshiiskii 3 geesoodka ahaa ee Soomaaliya gashay

0
287

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka ayaa mooshin ka keenay heshiiska saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dalalka Soomaaliya,

Itoobiya iyo Eritrea. Xildhibaannadan mooshinka saxiixay ayaa gaaraya toban.

Muxuu yahay heshiiska ay saluugeen xildhibaannadan?

Waaxda warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa qodobbadii lagu heshiiyey ku soo kaabay, baaq ka kooban afar qodob oo kala ah:

1. In saddexda waddan ay yagleelaan iskaashi sare oo fududeynaya gaarista yoolka shucuubtooda.

2. In saddexda waddan ay abuuraan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.

3. In saddexda waddan ay si wadajir ah uga hawlgalaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

BBC