Abaabulka Banaan bax looga soo horjeedo Shirka maanta London ka furmaya oo socda

0
334

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada London ee caasimada dalka Britain uu ka furmao shir looga hadlayo arimaha shidaalka Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madax katirsan dowlada Federaalka iyo Shirkado daneeya Shidaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Xukuumada Soomaaliya ayaa ka furmaya Hotelka Clridges ee magaalada London, waxaana shirkan dowlada ku matalaya Wasiirka Batroolka iyo xubno kale.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada London ee looga hadlayo arimaha Shidaalka Soomaaliya ayaa laga muujiyay shaki xoogan, waxaana Xildhibaano iyo siyaasiyiin sheegeen in shirkan uu yahay mid lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

Wasaarada Batroolka ayaa beenisay warka laga faafiay shirkan, waxa ayna Wasaardaa xustay in aysan jirin wax shidaal ah oo la xaraashayo balse lagu soo bandhigayo aag cusub oo laga baarayo shidaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale magaalada London waxaa ka socda abaabulka banaan bax la doonayo in laga hor dhigo Hotelka  Clridges  oo lagu wado in uu ka furmo shirka shakiga laga muujiyay ee looga hadlayo arimaha shidaalka Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaaqan dalka Britain ayaa wada abaabulka banaan baxan looga soo horjeedo shirkan la sheegay in lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in dad badan isugu soo baxaan banaan baxa .

Allbanaadir