Kooxo Hubeysan Oo Dil Iyo Dhaawac Ka Geystay Gaalkacyo

0
328

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo dhaawac xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/Mudug.

Dilka ayaa loo geystay nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray C/qani Maxamed Baalle, kaas oo ka mid ahaa waxgradka magaaladaasi.

Sidoo kale raggani hubeysnaa ayaa dhaawacay wiil uu dhalay nabadoonkaasi, iyagoona si aayar ah goobta uga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, iyadoona howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka socdeen gudaha magaaladaasi.

Radioshabelle