Dhimashada masaajidka New Zealand oo 49 maraysa

0
225

Dadka ku dhintay masaajidda Australia ayaa hadda noqday 49.

Taliyaha booliiska dalka New Zealand ayaa qabtay shir jara’id oo uu dadka kula wadaagayo wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday dadka cibaadaysanaya.

Mid ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la dabiibayay ayay hadda naftu ka baxday ayuu yiri isaga oo shirka jaraa’id sii wada.

Madaxweynaha Turkiga oo cambaareeyay weerarka masaajidka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray dalka New Zealand, isaga oo magaciisa iyo midka dalkiisa ku hadlaya, wuxuuna cambaareeyay ciddii Muslimiinta masaajidka ku laysay.

Toogashada ayuu ku tilmaamay in ay tahay “wax aad loo dhaleeceeyo” wuxuuna intaas ku daray in ay tahay tallaabadii u dambaysay ee cusnsuriyadda iyo Islaam nacaybka sii kordhaya.

Isbitaal dabiibaya 48 ruux oo dhaawac ah

Afartan iyo sideed ruux oo dhaawac ah yaaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Dadkan ayaa ku dhaawacmay weerarradii masaajidda lagu qaaday

David Meates oo ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay isugu jiraan carruur iyo qaangaar kuwaas oo qaba dhaawacyo rasaas.

BBC