Madaxda Eritrea, Itoobiya iyo Kenya oo shir saddex geesood uga furmay Asmara (Isbaheysi cusub)

0
465

Madaxda dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Kenya ayaa shir saddex geesood uga furmay magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea, iyadoo saddexdan dal ee Geeska Afrika ay sameynayaan isbaheysi cusub oo iskaashi ah.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa garoonka diyaaradaha Asmara si kala gaar gaar ah ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo labadaba ka soo duulay Addis Ababa.

Kulanka saddex geesoodka oo aan wax faah faahin laga bixin ayaa ah mid looga hadlayo arrimaha Gobolka iyo iskaashi dhex mara dalalkaas.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho qaadatay labo cisho ku joogay Addis Ababa, isagoo ka qeyb galay shir ganacsi u dhaxeeyay Kenya iyo Itoobiya oo ay goobjoog ka ahaa Ganacsato.

Bartamihii sanadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale shir saddex geesood ay ku yeesheen magaalada Asmara Madaxda Eritrea, Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu gaaray heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara saddexda dal.

Jowhar