Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo Rag hubeesan oo la sheegay in ay galeen dhismaha …

0
204

Waxaa goordhaw qarax labaad uu ka dhacay agagaarka Isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana aagaasi laga maqlay rasaas xoogan oo loo maleenayo in la is dhaafsanayo.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa koobaad ayaa lagu weeraray xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Soomaaliya oo kutaala degmada Shangaani una dhaw Isgooska Jubba.

Rag hubeesan oon tiradooda la ogeyn ayaa lagu soo waramayaa in weerar toos ah ku qaadeen dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha , waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo dhaceysa.

Qaraxa labaad ee goobta ka dhacay ayaa loo maleenayaa in uu ka dhashay gaarigii ay ka dageen raga weerarka ku qaaday xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, waxaa sidoo kale goobtaasi ka agdhaw Wasaarada Howlaha guud.

Ciidamada amaanka ayaa buux dhaafiyay goobta ay qaraxyada ka dhaceen, waxa ayna ciidamada xireen gabi ahaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka uu weerarku ka socdo.

Allbanaadir