Xiisad Xoogan Oo Ka Taagan Magaalada Cadaado

0
364

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay magaalada Cadaado ee gobolkaasi

Xiisadan ayaa timid, kadib markii ciidanka xoogga dalka qeyta 21-aad iyo kuwa nabad sugida Galmudug ay la wareegeen xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaaladaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona lagu soo warramayo in  ciidamo kale oo taabacsan madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf ay ka soo ruqaansadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo ka soo horjeeda ciidamada la wareegay Cadaado.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi, maadaama dha dhaqaaqyo ay ka socdaan.

Galmudug ayaa waxaa horay u hareeyay khilaafyo siyaasadeed, iyadoona uu maamulku u kala jabay labo garab oo fadhiyadoodu ay kala yihiin magaalada Cadaado iyo Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud.

Radioshabelle