Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dibadbaxyadii Muqdisho ka dhacay

0
377

Dawladda Federaalka ayaa sheegtay in dad farabadan loo soo xiray isu soo baxyadii rabshadaha watay ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo ka dhashay markii askari boolis ah uu toogasho ku dilay wiil darawal ka ahaa mooto Bajaaj iyo qofkii rakaabka ahaa ee la socday isgoyska Hawlwadaag.

Shir looga hadlayay amniga caasimadda oo xalay ka dhacay xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa lagu sheegay in dawladdu ogoshahay banaanbaxyada sida nabdoon loo qabanayo balse aanay ogolaan doonin kuwa rabshadaha wata.

Duqa magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) ayaa BBC u sheegay in qaar kamid ah dadkaasi lasii daayay markii dambi lagu waayay halka dadka xiran maxkamadda sida ugu dhaqsiyaha badan lasoo joojin doono.

Waxaa uu sheegay in aanan la aqbaleyn cid kasta oo carqaladeyneyso amniga caasimadda Muqdisho.

“Waxaa aad looga hadlay in bulshada ay muujin karaan shucuurtooda…waxaa aad looga digay in mudaaharaadyo laga ilaaliyo rabshado…. inay tahay wax aanan la aqbali karin in shaqsiyaad ku dhex dhuuntaan dhalinyaradii isla markaasna ay geystaan falal dambiyeedyo kala duwan” ayu yiri Cabdiraxmaan Yarisoow.

Ururada bulshada rayidkaa ayaa ugu baaqay dowladda inay gacanta kusoo dhigto askarta xadgudubyada u geysata shacabka.

Maxay tahay sababta loo dilo darawalada Bajaajka ee Muqdisho?

Waxaa magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyay kusoo batay dilal loo geystay dadka ku shaqeysta Bajaajka, ilaa haddana ma jirto cid loo soo qabtay dilalka dhacay.

BBC